Shirka labaad ee Rooble iyo Musharaxiinta oo bilowday

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir labaad oo u dhaxeeya Ra'iisul Wasaaraha xukuumada waqtiga ka dhamaadey Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ka bilowday Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wadahadaladda waxaa kasoo muuqanaya Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya haatanna ah musharax madaxwayne oo u taagan tartanka madaxtinimadda doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21.

Khayre ayaa seegay kulankii qabsoomay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo ay kasoo baxeen go'aano ay kamid yihiin; raaligelin ay xukuumada ka bixisay dhacdooyinkii 2019-kii iyo hakinta mudaaharaadka musharaxiinta.

Warar ku dhow shirka ayaa sheegaya in ajendaha maanta uu kamid yahay doorka musharaxiinta ku yeelanayaan wadahadalada qabsoomaya maalmaha soo aadan ee ku aadan doorashooyinka heer federaal.

"Ra'iisul Wasaare Rooble wuxuu shirka kadib shir isugu yeeri doonaa madaxda dowlad goboleedyadda si ay uga soo qeybgalaan shhir ku qabsoomaya magaaladda Muqdisho," ayuu yiri illo wareed ku dhow shirka.

Shirkaas ka dhacaya magaala madaxda waxaa qorshuhu yahay in lagu saxiixo qodobadii kasoo baxay shirkii guddiyada farsamadda ee ku qabsoomay caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Soojeedinta guddigaas waxaa ay xal u yihiin caqabadaha ka taagan doorashooyinka 20202-21 gaar ahaan sadexda qodob ee xudunta u ah muranka oo kala ah; arrinta gobolka Gedo, Somaliland iyo guddiyada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM