Shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo furmaya

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ka furmo shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe wajigiisa labaad kadib markii markii dhawaan Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia iyo Wakiilka IGAD sheegeen inuu furmo 03 September, 2016.

Madax katirsan dowladda Somalia ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Jowhar si ay qayb uga noqdaan xafladda furitaanka.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa wali kasoo horjeeda nidaamka wax lagu wado, waxayna sheegeen inaysan ka qayb gali doonin shirka gogoshiisu taallo magaalada Jowhar.

Waxay shuruud ka dhigeen in shirkaasi uga qayb galaan labo gobol, hadii kale oo sidaasi la yeeli waayo samaysan doonaan maamul cusub.

Xaaladda ayaa wali cakiran, waxaana ballanqaadka shirka furmaya la sameeyay iyadoo aan la xallin khilaafaadka ka dhex taagan habka loo maamulayo shirkaasi.

Wixii kasoo kordha waxaan idiin kusoo gubdin doonaan Wararkeenna dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM