​Shirka Madasha oo ka furmay magaalada Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Goor-dhow ka furmay magaalada Muqdishu Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ee looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Somalia.

Madaxweynaha uu Waqtigiisu dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxa'uud, ayaa si rasmi ah uga furay Shirka gudaha Xarunta AMISOM ee Xalane.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweniyaasha maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Galmudug, halka Puntland uga qeybgalayo madashan markii ugu horaysay Cabdixakiim Cumar Camey oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.

Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka socda iyo tabasho Puntland ay ka muujisay Aqalka sare gaar ahaan xubnaha ka imaanaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Arrimaha dib u dhaca iyo waqtiga ugu haboon ee doorashada la qaban doono ayaa sidoo kale looga hadli doonaa madashan oo dhawr bari socon doonta inkastoo aan la xaqiijin inta ay qaadan doonto

Diblomaasiyiin iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa ku sugan Shirka, waxaana ay kala hadlayaan Madaxda Somalia Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada

Xasan Sheekh Maxamud oo isna kulanka furay, ayaa bogaadin u jeediyay maamullada kasoo baxay howlihii loo xilsaaray, wuxuuna inta kale ee wali wax ku harsanyihiin ugu baaqay inay dhakhso u soo gaba gabeeyay doorashada Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Michael Keating, Wakiilka Xoghayah guud ee QM ee Somalia, ayaa madasha ka hadlay arrimo ku saabsan doorashada dalka ka socota, wuxuuna mas'uuliyiinta madasha ku canaantay inaysan si wanaagsan ugasoo bixin ballamihii la qaaday ee ahaa in sannadkan waddanka Somalia ka hirgasho dowladd cusub iyo doorashooyin xalaal ah.

Shirkan ayaa waxaa Somalida, waxaa isugu yeeray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating, waxaana sidoo kale laga yaabaa in lagusoo hadal qaado musuqa la sheegay inuu hareeyay soo xulista xubnaha Aqalka hoose ee  Barlamanka Federaalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM