​Shirka Madasha oo lagu magacaabay Guddiga Abaaraha heer Qaran [DHAGEYSO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Hogaamiyaasha ka qeybgalaysa Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka socda Muqdishu, ayaa magacaabay Gudi loogu magac-daray "Gudiga Qaranka ee Gurmadka Gargaarka Abaaraha", kaasoo ka kooban Sagaal xubnood oo matalaya DFS iyo maamul goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxa'ed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa Shir jaraa'id oo ka dhacay Muqdishu ka shaaciyay Guddigan oo howshiisu noqon doonto isku-dubaridka howlaha Gargaarka ee la gaarsiin doono dadka abaartu saamaysay.

Maareeye, ayaa sidoo kale xusay in guddigan loo sameeyay si aysan u dhicin ilowshiyo yimaada marxaladda kala guurka ah, wuxuuna xusay in dhammaan mashaariicda hormarinta ee ka socda dalka loo wareejiyo dhinaca gar-gaarka deg deg ah.

Madaxda madasha, ayaa sidoo kale si wadajir ah u diray baaq caalami ah oo ku aadan sidii loogu gar-gaari lahaa dadka abaartu saamaysay.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa diyaarin doono qorshe wax looga qaban doono abaarta iyo diiwaangelinta baahida maamul kasta, oo deegaanadiisa ay ka jirto abaartu, sida uu sheegay Wasiir Maareeye.

Xubnaha Gudiga;

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda federaalka

Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federaalka

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Jubbaland

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed

Wasiirka Beeraha iyoo xanaanada Xoolaha ee Galmudug

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Shabeellaha dhexe

Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Xubno Farsamo, oo ka soco Hay'adda maareynta masiibooyinka Somalia, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulada Federaalka katirsan.

Madaxda madasha ayaa si wadajir ah u sheegay inay in xaaladda gobollada dalka qaybtood aad u liidato, sida Sool, Sanaag, Bari iyo deegaano katirsan Somaliland, Galmudug, Jubbaland iyo Hir-Shabeelle.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen inay dhici karto xaalad adag oo sababi karta in dhimasho timaado xilli xoolihii dhammaad ku dhow yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM