​Shirka madasha wadatashiga oo Baydhabo ka furmay

Image
Image

Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kafurmay shirka madasha watashiga qaran ee looga hadlayo doorashada dalka dhacaysa dabayaaqada sannadka 2016, waxaana si rasmi ah u furay madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka oo lagu wado inuu socdo saddex bari, waxaa kasoo qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madax maamul goboleedyada iyo mas'uuliyiin kale.

Kulanka ayaa maanta ku ekaa furitaan, waxaana la filayaa in maalinta barri ah lagu guda galo ajandayaasha horyaalla madasha ee kusoo qabyoobay kulamadii horay madaxdu u yeesheen.

Arrimaha sida tooska ah diiradda loo saari doona ayaa wararka aan helayno sheegayaa inay tahay; Amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, dhismaha  guddiga xalinta khilaafaadka, dib u eegista dastuurka, hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo furitaankii khudbad dheer kajeediyay, ayaa sheegay inay ka go'antahay madaxda sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu ku jiro islamarkaana loo gaarsiin lahaa heer isku filnaasho, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha keeni kara khilaafka.

Xasan Sheekh Maxamud, ayaa tilmaamay in beesha caalamka diyaar u tahay sidii ay Soomaaliya u taageeri lahay, balse wuxuu codsaday in lala yimaado qorshe saamaxaya qaabkii loo kasban lahaa deeqbixiyaasha.

Kulankan, ayaa noqon doona kii ugu dambeeyay ee madaxda Soomalida uga arrinsadaan doorashada dalka, waxaana gabagabadiisa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed muujinaya waxyaabaha lagu hishiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM