​Shirka madasha wadatashiga oo Muqdishu ka furmay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia goordhaweyd ka furmay shirka madasha wadatashiga Qaran ee looga hadlayo doorashada waddanka ka dhici doonta dabayaaqada sannadka 2016, waxaana diiradda lagu saari doonaa ajandayaal kala duwan.

Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulanka furay, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiinta maamul goboleedyada iyo xubno kale.

Shirkan oo dhawr cisho socon doona ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan hogaamiyaasha dalka ee ku saabsan marxaladda kala guurka ah.

Madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheekh oo furitaankii ka hadlayay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay kasoo bixi doonaan qodobo  wax ku ool u ah bulshada.

Kulankan ayaa noqon doona mid xasaasi ah, waxaana la filayaa in ajandayaasha lagu daro qoondada gobolka Banaadir iyo farogalinta lagu sameeyay odoyaasha dhaqan ee soo xulaya Barlamanka iyadoo sidoo kale la filayo in laga hadlo Aqalka sare oo ilaa hadda howshiisa la galin.

Faah faahinta waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeenna dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM