Wadahadalka madaxda Soomaalida oo bilowday

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Shirkii dowladda federaalka iyo maamuladda ee arrimaha doorashooyinka 2020-21 ayaa Arbacada maanta ah ka bilowday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wadahadaladda ayaa qorshuhu ahaa in ay furmaan 1-da Febraayo, balse waxaa ku yimid dib-u-dhac balaaran. Ma cadda sababta keentay baaqashada, balse waxaa loo aaneynaya jadwalka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirka ayaa kala ah; madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubaland, iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish].

Shirkan ayaa furmaya iyadda oo wali ay taagan yihiin caqabadihii la isku hayey weli, waxaa sii dheer gudoomiyaha gobolka Banaadir oo u jooga goobta in 13 xubnood lagu daro xildhibaanada aqalka sare.

Sida caadada aheyd madaxda ku shireysa ayaan waxaan wehelin qofna sidda kulamadii hore ee Soomaaliya lagu yaqaaney taas oo la macno ah in ay albaabada u xiran yihiin xog helida adkeyneysa.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdullaahi Xersi Timacadde oo khadka telefoonka ugu waramay Garowe Online, ayaa rajeeyay in shirka ay kasoo baxaan qodobo u wanaagsan masiirka dalka.

Mr Timacadde ayaa ku nuux-nuux-saday in shirka aan lagu soo hadal-qaadeyn ajende ka baxsan heshiiskii 17-kii September.

Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli Villa Soomaaliya qorsheyneyso in shirkaan lagu faaqido kuraasta ay u saxiixdey gobolka Banaadir taas oo ah ajende Farmaajo doonayo in uu ololaha doorashada ku galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM