Shirkii Dhuusamareeb 4 oo natiijo la'aan kusoo idlaadey
DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda federaalka ayaa shaacisay in lasoo gabagabeeyay wareega afaraad ee wadahadaladii hogaanka Soomaalida uga socday Dhuusamareeb iyadda oo aan heshiis la gaarin.
Wasiirka Warfaafinta federaalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xaqiijiyey in kaliya is-faham laga gaarey qodobka guddiyada lagu muransan yahay balse aan wax horumar ah laga sameyn labada qodob kale.
Xukuumadda muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu sii dhamaanayo ayuu xusay ka saareyso guddiyada lagu muransan-yahay qofkasta oo dhexdhexaadnimadiisa su'aal la geliyey.
Mr Dubbe oo hoosta ka xariiqay heshiiskii 17-kii September uusan diideyn in guddiyada ka mid noqdaan shaqaalo rayid ayaa tibaaaxay in xafiiska ra'iisul wasaare uu diyaar u yahay in uu guddiyada xubnaha la duray laga bedelo.
Hogaanka maamul goboleedka Jubaland ayuu ku eedeeyay in ay diideen saddex qodob oo madaxda shirka ka qeybgashay soo jeediyeen si xal loogu helo arrinta gobolka Gedo.
Qodobada lasoo jeediyey ayaa kala ah; in ciidamo boolis AMISOM ah la geeyo gobolka Gedo, in guddi dowlad goboleedyada ka socda loo diro gobolka Gedo iyo in Jubaland ay doorashada ku qabato Gabahaarey.
Madaxda dowladda federaalka ayuu tilmaamayin uu tuhunsan tahay in "diidmada hogaanka Jubaland ee soojeedinta qodobadii lagu xalin lahaa qadiyada gobolka ay gedaal ka riixayaan awoodo shisheeye".
Madaxtooyadda Jubaland ayaan wali ka jawaabin sheegashooyinka wasiir Dubbe oo xaqiijiyey in shirka ajendahiisa uu ahaa arrinta gobolka Gedo, xulista Somaliland iyo guddiyadda lagu muransan-yahay.
Dhawaqa Dubbe ayaa ka dhigan in shirka aan lagu soo hadal-qaadin 13-ka kursi ee gobolka Banaadir sidda sharci darada ah uu ugu saxiixay Farmaajo taas oo ahayd olole/ajande siyaasadeed iyo isku day kala qeybin.
Afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayuu ku dhaleeceeyay in uu diidey in afar xubnood ku yeesho guddiyadda taas oo kamid ahayd soo-jeedintada madaxda shirka qaarkood.
"Iyadda oo xukuumadda ay dhinac walba tanaasul ka sameysay hadday ahaan lahayd arrinta guddiyada, arrinta gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland, haddana waxaan rabaa in aan Ummadda Soomaaliyeed u sheegay in haddana ay walaalaheen qaarkood nala fahmi-waayeen in doorashadda la dardargeliyo," ayuu Dubbe ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayuu caddeeyay in uu soo jeediyay in la isugu soo laabto shir kale "oo dib laga soo sheegi doono waqtiga iyo goobta". Farmaajo wuxuu Sabtida hortagayaa baarlamaanka labada Aqal.
GAROWE ONLINE