Shuruud lagu xiray Bad-maaxiin u dhashay India

Image

HOBYO, Somalia- Kooxda burcad-badeed Somalia ah oo laga soo furtay Markabka Ganacsi oo laga leeyahay dalka India ayaa shuruud ku xiray sii daynta Madmaaxiyaal tiradoodu gaarayso 9 oo gacanta ugu jira kooxdaas.

Cabdullahi Axmed Cali, oo ah gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa u sheegay VOA in ciidanka Galmudug ay xoog kusoo furteen Markabka "Al Kauser” iyo labo shaqaale ah, balse la la'yahay 9 kale.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dagaal uu dhexmaray ciidamada Galmudug iyo Burcad-badeeda intii uu socday howgalka lagu soo badbaadiyay markabka, kaasoo ka dhacay deegaanka Hin-Barwaaqo, oo ku yaalla koonfurta degmada Hobyo.

Kooxda Burcadda ah ayaa isaga cararatay Markabka, kadib markii laga awood-roonaadey, waxaana ay qafaasheen Bad-maaxiin kale, kuwaasi oo ay la aadeen dhanka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Burcadbadeeda ayaa sheegay inaysan sii deyn doonin Shaqaalaha Markabka laga soo furtay, illaa dowladda India kasoo daynayso dhalinyarada loo haysto Burcad-badeednimada ee dalkeeda ku xiran.

Markabka Al Kauser oo u rarnaa Ganasato Soomaaliyeed ayaa laga soo afduubay March 31 Biyaha Badweynta India, xilli uu badeecooyin u waday magaalada Kismaayo.

"Waxaan ku qaadnay weerar markii ay diideen inay wadahadal kusoo daayaan Markabka. Ciidamada Galmudug waxay ku guuleysteen inay soo furtaan Markabka iyo labo kamid ah shaqaalihiisa,” Ayuu yiri Maxamed Xaashi Carabeey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la hadlay Reuters.

Maxamed Xaashi waxa uu dhanka kale xusay inay wadaan howlgallo lagu soo badbaadinayo Badmaaxayaashaasi maqan oo lagu hayo hadda inta uu dhaxaysa  Ceel-Huur iyo Xarardheere.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM