Shuruud lagu xiray furitaanka kulanka Muqdisho oo la taageeray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa taageertay mid kamid ah shuruudihii ay Puntland iyo Jubaland ku xireen furitaanka wada-xaajoodyada Muqdisho ee arrimaha doorashada Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labadan maamul oo ku sugan caasimada waddanka ayaa sheegay in shirka furmayo marka dowlada ciidanka kala baxdo gobolka Gedo iyo in ay kusoo biiraan maamulada kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madashaan ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyada siyaasada dalka ayaa lagu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in madaxda isku tanaasusho kana miradhaliyaan shirka.

"Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda dowladda federaalka in ay shirkaan goojoog ka noqdaan dhamaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka si looga gudbo khilaafka hareeyay hanaanka doorashada lagana gaaro go'aano kama dambeys ah oo loo dhanyahay," ayaa lagu yiri.

Xilli ay kulanka ku qeexeen "fursad qaali ah," bayaanka ayaa lagu soo jeediyey in go'aanada noqdaan wada ogol, lagana fogaado in dalka iyo dadka la geliyo jahwareer aysana horseedin muddo kororsi.

"Madasha waxay ku baaqeysaa in la balaariyo gogosha looga arrin-sanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casuumo hogaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo xisbiyada siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf," ayay raaciyeen.

Dib u eegis lagu sameeyay qaar kamid ah qodobadii ku jiray natiijadii aan loo dhameyn ee shirkii DhuusamareebIII ayay ku baaqeen si gaar ah kuwa diidaya in coddeynta soo aadan xilligeeda ku dhacdo.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Farmaajo ayay xusuusiyeen in uu garab maray dhaqankii ahaa in ra'iisul wasaaraha lagu soo magacaabo 30-casho, waxaana ay beesha caalamka uga mahadceliyeen dedaaladda ay wadaan.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM