Shuruud lagu xiray in Sacuudiga laga iibiyo drones-ka hubeysan

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga waxay raadineysaa inay ka soo iibsato Turkiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, sidda Talaadadii uu sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waa taaabo calaamad u noqon karta isu soo dhawaanshaha dalalkan aadka isaga soo horjeeda.

Xiriirka Ankara iyo Riyadh wuu xumaa tan iyo dilkii suxufiga Jamal Khashoggi loogu geystay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul sanadkii 2018. Ganacsigii ayaa ku burburay hab aan rasmi ahayn, laakiin labada waddanba waxay sheegeen inay ka shaqeyn doonaan hagaajinta xiriirka.

Balse, isagoo hadlaya kulan uu la yeeshay saxaafada, Erdogan wuxuu sidoo kale ka hadlay sida uu uga xun yahay go’aanka boqortooyada ee ah in la sameeyo isbaheysi wadajir ah kana dhan ahTurkiga iyo dalka ay xafiiltamaan muddada dheer ee Giriigga, isagoo soo jeediyay in heshiis ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku xiran tahay dhaqanka Riyadh mustaqbalka.

“Sacuudi Carabiya waxay wadaa dhoolatus wadajir ah oo ay la sameyneyso Gariiga,” ayuu Erdogan si furan uga dhawaajiyey. "Haddana isla waqtigaas, Sacuudi Carabiya waxay na weydiineysaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka. Rajadeenu waa inaan ku xallino arrintan si deggan oo aan kululayn".

Turkiga ayaa u soo ifbaxay inuu yahay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee sameeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo ka caawisay xulufadooda Azerbaijan inay guulo ballaaran ka gaareen dagaal lix toddobaad socday oo ay la galeen Armenia sanadkii hore kuna saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Droneska ayaa sidoo kale la geeyay dagaalada ka socda Siiriya iyo Liibiya.

Riyaadh oo dalka Yemen kula dirireysa falaagada ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta waxay horey heshiis wareejin tiknoolajiyadeed ah ula gashay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Vestel ee laga leeyahay dalka Turkiga taasoo u oggolaaneysa Sacuudiga in ay soo saarto diyaarado droneska u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM