Siciid Shire " Madaxweynaha DF ha caddeeyo mowqifkiisa Jubaland"

Image

June 8, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire oo maanta shir-jaraa'id ku qabtey xarunta baarlammaanka ee Garowe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka Maamulka Jubbaland uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Siciid Xasan Shire  ayaa xasay inuu sharci darro ahaa moooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubaland, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu caddeeyo mowqifka uu arrrintaas ka taagan yahay.

"tallaabada Baarlammaanka Dowladda Federaalku qaadey waa mid sharci darro ah...Madaxweynaha waxan ugu baaqeynaa inuu caddeeyo mowqifka uu arrintaas ka taagan yahay" ayuu yiri

Dhanka kale, Siciid Shire ayaa ka dhawaajiyay in kal-fadhiga soo socda ee Baarlammaanka Puntland looga doodi doono hab-dhaqanka Baarlammaanka Dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed shalay oo Axad ahayd kasoo baxay madaxtooyada Garowe ayaa lagu sheegay in go'aankii Baarlammaanka Dowladda Federaalku ka qaatey baarlammaanka Jubaland uu ahaa go'aan sharci darro ah islmarkaana caqabad ku noqon kara dadaalka loogu jiro hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM