Siciid Shire " Madaxweynaha DF ha caddeeyo mowqifkiisa Jubaland"

Image

June 8, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire oo maanta shir-jaraa'id ku qabtey xarunta baarlammaanka ee Garowe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go'aanka Maamulka Jubbaland uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Siciid Xasan Shire  ayaa xasay inuu sharci darro ahaa moooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubaland, wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu caddeeyo mowqifka uu arrrintaas ka taagan yahay.

"tallaabada Baarlammaanka Dowladda Federaalku qaadey waa mid sharci darro ah...Madaxweynaha waxan ugu baaqeynaa inuu caddeeyo mowqifka uu arrintaas ka taagan yahay" ayuu yiri

Dhanka kale, Siciid Shire ayaa ka dhawaajiyay in kal-fadhiga soo socda ee Baarlammaanka Puntland looga doodi doono hab-dhaqanka Baarlammaanka Dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed shalay oo Axad ahayd kasoo baxay madaxtooyada Garowe ayaa lagu sheegay in go'aankii Baarlammaanka Dowladda Federaalku ka qaatey baarlammaanka Jubaland uu ahaa go'aan sharci darro ah islmarkaana caqabad ku noqon kara dadaalka loogu jiro hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM