Sidee beesha caalamka uga hadashay weerarkii Al-Shabaab ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida looga bartey, beesha caalamka ayaa cambaareysay weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama.

Qaramada Midoobey: Xoghayaha Guud ee UN-ka António Guterres ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inaysan ka niyad-jebin weerarada Al-Shabaab dib u dhiska dalkooda iyo hiigsiga mustaqbalka wanaagsan iyo Soomaaliya oo nabad ah.

Turkiga: War kasoo baxay Wasaaradd Arrimaha dibadda ayaa lagu cambaareeyay weerarka Muqdisho, waxaana tacsi loo diray eheladda kuwii lagu dilay, iyaadoo caafimaad deg deg ah u rajeysay dadka ku dhaawacmay.

Sacuudiga: Sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in boqortooyadda ay si kulul u cambaareynayso qaraxyadii saddexda ahaa, ee ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lagu dilay 30 qof, ku dhawaad 100 kalena lagu dhaawacay.

Midowga Africa: Wakiilka AU ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa sheegay in weerarka uu muujinayo sida Al-Shabaab uga naxeynin nolosha shacabka, iyadoo ujeedkiisuna yahay in lagu xagal-daaciyo degaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Mareykanka: Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarka, iyadoo lagu amaaninay ciidamada amniga dowladda sida ay uga falceliyeen.

Halkan ka akhriso qoraalka Safaaradda:

Dowladaha Qatar iyo Sudan ayaa kamid ah dalalka cambaareeyay weerarka, iyadoo midnimo iyo taageero u balan-qaadey dowladda Federaalka iyo Shacabkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM