Sidee loo maamusay meydka marxuum Xoosh oo Muqdisho la keenay?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga soo dejiyay meydka marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya, oo Jimcadii lasoo dhaafay ku geeriyooday Dubai ayaa lagu wadaa in Aas qaran loo sameeyo.

Cutubyo kamid ah ciidamada milatariga ayaa ugu horeyn meydka kasoo dejiyay diyaarada kasoo qaaday dalka Isu tagga Imaaraadka.

Calanka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dahaaray isla markiiba laga soo saarey gudaha diyaaradda.

Intaasi kadib, cutubyo kamid ah ciidamada qaranka ayaa meydka siiyay salaam sharafeed kahor inta aan Salaada Janaazada lagula tukan gudaha madaarka.

Mas'uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ku xigeenkiisa iyo xubno kamid ah qoyska Marxuumka ayaa ka qeybgalay Salaada.

Mid kamid ah khabuuraha ku yaalla magaala madaxda wadanka leh xeebta ugu dheer Afrika ayaa la rajeynayaa in lagu aasi doonaa.

Sikastaba, wali si fahfaahsan looma shaacin waxa keenay geeridiisa, balse waxaa la sheegay in uu kusoo booday xanuun dhinaca Kilyaha ah.

Marxuumka oo u tegay Dubai si uu goobjoog uga ahaado arooska gabadhiisa ayaa lagu xusuusan doonaa in uu ahaa isku dabaridihii dastuurka haatan dalku leeyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM