Sidee looga ciiday Daarusalaam, Muqdisho? [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo maanta geyiga Soomaalida laga ciidayo maalinta 1aad ee Ciidul Adxa ayaa munaasabadeeda laga dareemay xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Boqolaal ka mid ah dadka deegaanka iyo qaar kale oo magaalada isaga kala yimid ayaa Salaadda Ciidda ku oogay barxadda weyn ee Daarusalaam.

Xaafadan oo sanadihii ugu dambeeyay aad u dhismeysay ayaa waxaa ku yaala oo laga hirgeliyay beerta xayawaanaadka iyo goobaha carruurta lagu ciyaarsiiyo, dadka ayaana uga kala yimaado magaalada inteeda kale.

Maalmaha Ciidaha waxay indhahagu qabanayaan damaashaadka quruxda badan ee halkaasi ka jira, waxaadna arkaysaa waalidiin badan oo carruurtooda ku ciyaarsiinaya goobaha u gaarka ah barbaarta.

Waalidiinta ayaa kuu sheegaya in ubadkooda ay farxadda ciidda dareemaan, marka ay waqti ku qaadanayaan beerta dalxiiska iyo damaashaadka ee Daarusalaam.

Daarusalaam oo lagu tilmaamo mid ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho Ciidda Carafo oo sidoo kale ay Soomaalidu u garan ogtahay Ciid Wayneey waa Ciidda Labaad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna geba-gabo u tahay taagnida Xujeyda ee Banka Carafo.

Ciidaha Fitriga iyo Adxa ayaa xuskooda iyo weynayntooduba laga dareemaa caalamka, gaar ahaan dunida Muslimka.

Ciidda Carafo ee sanadkan ayaa ku soo aadaysa sanadkii 2aad oo xiriir ah, oo dunida uu halakeeyay fayriska safmarka ah ee COVID-19, Soomaaliya-se xaalkeeda waxa uu u muuqdaa mid degan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM