Sideed casho kadib, Khayre oo dib ugu laabtay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday.

Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diryaaraha Aadan Cabdulle Cusmaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudadii uu safarka shaqo ku joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo mira dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka iyo IMF, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM