Siduu Fahad ku noqdey madaxa ololaha dib-u-doorashada Farmaajo?
MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib shir shan maalin qaatay oo ay ku yeesheen Muqdisho, murashaxiinta tartanka madaxtinimada Soomaaliya 2020-21 ayaa codsaday in uu is-casilo Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee loo yaqaano NISA.
Sidda laga soo xigtay war-murtiyeedka shirka oo ka kooban 18 qodob, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waa madaxa ololaha dib-u-doorashada murashax madaxweyne waqtigiisu dhamaadka yahay Maxamed Farmaajo.
Murashaxiinta oo sidoo kale codsaday in la laalo guddiyada doorashooyinka ee magacaaban laguna soo xulay hanaan wadda-ogol ah ayaa ku adkeystay in ay doorasho qabsan doonan hadii dalabyadooda aan loo hogaan-samin.
Dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Fahad ayaan wali caddeyn mowqifkooda war-muriyeedkaas. Balse guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho wuxuu bayaankaas kadib u hanjabay murashaxiinta madaxtinimada.
Cumar Filish oo soo daliishay Aayad Qur'aan si dadbna murashaxiinta ugu sifeeyay "munaafaqiin" ayaa ku hanjabay in la layn doono "hadii bootadooda afka soo dhaafto iskuna dayaan in ay xasilooni darro ka abuuraan caasimada".
Murashaxiinta oo bayaan wadajir ah soo saarey ayaa cambaareeyay dhawaqa Filish kuna qeexay "hadalo colaad hurin ah" waxayna tibaaxeen in ay u qaadayaan "hanjabaad dhab ah oo kaga timid murashax madaxweyne Farmaajo".
Hajabaada Filish ayaa timid saacado kadib markii warar soo baxaya ay sheegeen in uu amar uga yimid Villa Soomaaliya iyo Fahad Yaasiin kaasoo ah in uu abaabulo isu-soo-baxyo iyo kulamo lagu mucaaradayo qoraalka murashaxiinta.
Fahad Yaasiin oo ah mas'uulka ugu tunka weyn ee dowladda Farmaajo ayaa gacansaar dhow la leh Qadar, wuxuuna ahaa mas'uulkii Dooxa kasoo qaaday lacagtii lagu maalgeliyey guusha madaxweynaha ee doorashadii 2016.
Taliska NISA ee Fahad hogaanka u hayo ayaa farageliyey doorashooyinkii Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle si ay uga soo baxaan madax taabacsan Villa Soomaaliya isla markaana u soo xulaan "Xildhibaano Farmaajeysan".
Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, agaasime Fahad ayaa sidoo kale wuxuu ku fekerayaa in uu kamid noqdo baarlamaanka soo aadan hadii looga adkaado doorashooyinka soo aadan kadibna u tartamo ku biirida guddoonka.
Horaantii bishaan November, Fahad ayaa Muqdisho kula shiray taageereyaasha Villa Soomaaliya oo da'yar u badan. GO wuxuu ogaadey in uu u balanqaadey Xildhibaanimo uuna hadafkiisu yahay in ay kursiga kusii haayaan Farmaajo.
Dalabka murashaxiinta ee ku aadan in uu xafiiska baneeyo ayaa cadaadiska kusii kordhinaya Fahad Yaasiin kaasoo kalkii hore ay doorkiisa faragelinta siyaasadda ay qoonsadeen wakiilada Beesha Caalamka oo u soo jeediyey in uu ka baaqsado.
GAROWE ONLINE