Siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed oo murugsan

Image

BAYDHABO, Somalia- Tan iyo markii horaantii sannadkan la shaaciyay mooshin ka dhan ah Madaxweynahah maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa cirka isku shareeray khilaafaadka ka dhextaagan Madaxweynaha iyo golahiisa wasiirrada oo qaybtood katirsanyihiin golaha Barlamanka.

Arrintan ayaa keentay in qaybtood kuwaayaan xilkooda sida wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed (Macalin Barre),  oo shalay jagadaas laga qaaday.

Balse isagoo la hadlay saxaafadda, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas isagoo xusay in Madaxweynaha koonfur Galbeed laftigiisa uusan xil u hayn shacabka.

Macallin Barre oo ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa tilmaamay inaysan jirin wax Gole Wasiirro ah oo maamulkaas leeyayahy.

Wasiirka xilka laga qaaday oo sidoo kale kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa cadeeyay inay jagada ka tuurayaan Shariif Xasan maadama uu ku fashilmay shaqadii loo igmaday.

Macalin Barre, ayaa ku goodiyay in mooshinkoodu miro dhali doono kolka uu furmo fadhiga golaha Shacabka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa fashil siyaasadeed kala kulmay doorashadii Madaxweynaha iyo middi guddoonka Barlamanka isagoo qorsheeyay in Afhayeenka golaha shacabka laga wareejiyo dadka dega Koonfur Galbeed islamarkaana isagu isu taago xilka Madaxweynaha, balse ma dhicin oo waxaa Guddoomiyaha golaha shacabka noqday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM