Siyaasiyiin iska soo horjeeda oo ku qulqulaysa magalaada Buhoodle

Image

BUHOODLE, Somalia- Magaalada Buhoodle waxaa gaaray wafti siyaasiyiin ah oo ka soo kicitamay magaalada Muqdisho,waxaan garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah bulshada magaaladaas, xubnahan oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo Cabdalle Cagalule waxaa safarkan ku weheliyey hogaamiyihii hore ee maamulkan Maxamed Yuusuf Jaamac Indha-sheel.

Siyaasiyiintan ayaa ka soo horjeeda wadahadallada Khatumo iyo Somaliland waxaana Muqdisho kaga haray Isimo iyo siyaasiyiin ay ka midaysan yihiin qadiyadan kuwasoo kulan aan faahfaahin laga hayn Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hogaamiyihii hore ee Khatumo oo hadlay markuu gaaray Buhoodle ayaa eedyey wasiirka amniga Khatumo oo dhawaan ku dhawaaqay in Somaliland ay la kaashanayaan in laga hortago shir Isimadu shegeen inay Buhoodle lagu qaban doono inkastoo aan weli la cayimin waqtiga u furmayo.

Cabdalle Cagalule oo ah ku xigeenka Cali Khaliif Galaydh balse mudooyinka danbe isku qabteen wadahadalladii Khatumo iyo Somaliland oo isna hadlay ayaan bixin faahfaahin ku saabsan natiijada kulamadii madaxda DF ay Muqdihso kula soo yesheen balse wuxuu xusay in qaybaha bulshada uu la kulmi doona si loo xaliyo dhibaatoyinka siyaasadeed ee degaanadas ka jira.

Buhoodle oo Somaliland horey ugu guuldaraysatay inay awood Milatari ku qabsato ayaa hadda waxaa ku wada sugan laba dhinac oo kala tageersan wadahadallada Khatumo Somaliland kula jirto iyo kuwo ka soo horjeeda.

Wadahadallada Somaliland iyo Khatumo oo dhamystirkooda uu fashil ku yimid dhawaan,ka dib markay isku khilafeen qabashadii shirkii Burco 10 July ayaysan muuqan xal siyaasadeed iyo mid malatari oo ay kaga hortagi karaan shirarka iyo waftiyada ka soo horjeeda ee ka dagaya garoonka diyaaradaha Buhoidle.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM