Wiilka uu sodoga u yahay Erdogan ee shirkadiisu maamusho dekada Muqdisho

Image

ANKARA, Turkey – Shirkadda gacanta ku haysa dekada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo 2016-kii waxaa maamule ka ah shaqsi uu sodog u yahay madaxweynaha Turkiga, sidda uu wariyey wargeyska Al Ceyn.

Berat Albayrak oo sidoo kale ah Wasiirka Miisaaniyadda iyo Maaliyada waddankaas ayaa tan iyo 2004-tii waxaa u dhaxda gabadha uu dhalay madaxweyne Recep Tayib Erdogan ee lagu magacaabo Esra.

Kaliya ma ahan marsadda, shirkad kale oo Turkiga laga leeyahay laguna magacaabo Favori ayaa maamusha garoonka Aadan Cadde.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqaneysa mid si guud ula wareegtay ilaha kaabayaasha dhaqaalaha ee waddanka dhaca Geeska Afrika.

Xilli February 21, 1978 uu ku dhashay magaalada Istanbul, Berat oo ah ganacsade horey u soo noqdey madaxa fulinta shirkadda Çalık Holding ee arrimaha dhismaha ka shaqeysa ayaa saddex jeer noqdey xubin baarlamaan.

42-sano jirkan ayaa kamid ah wasiirada uu ugu kalsoonida badan yahay Erdogan, waxaana qoyskiisa ay caan ku yihiin ganacsiga shirkaddaha.

Albayrak oo ah shirkadda maamusha dekadda Muqdisho isla markaana bishaan October ay dowladda Soomaaliya u cusbooneysiisay qandaraaska ayaa 1982-dii waxaa lagu aas-aasay dhisme balse waxaa loo rogay sahayda.

Shaqooyinka kale ee ay qabato waxaa kamid ah gaadiidka, maamulka wasaqda iyo warbaahinta. Wargeyska Yeni Şafak ayay iibsatay 1997-dii.

Ahmet Albayrak ayaa lagu sheegay maskaxdii ka dambeysay yagleelideeda. Xilli fadhigeeda uu yahay magaalada Istanbul isla markaana ay gacansaar la leedahay Albayraklar Defence, waxaa u shaqeeysa 10-kun oo howlwadeeno.

Tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay, Erdogan ayaa isbedelo ku sameeyay madaxda shirkadaha dowliga ah ee dibada ka maamula mashaariicda xukuumadiisa bixiso kuwaasoo Soomaaliya ay safka hora uga jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM