Halkee ayay maraysaa Baarista Kiiska Qalbi Dhagax?

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Gudigii dhawaan Baarlamaanka Federaalka Somaaliya u xilsaarey baarista Kiiskii Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" ayaa fahfaahin ka bixiyayy halka ay u marayso howsha loo igmaday. 

Xildhibaan Ludhfi Maxamed Shariif, oo kamid ah Xubnaha Gudiga ayaa sheegay in hada ay magacaabeen Guddoomieye, Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye, si howshooda ay u dardar geliyan.

Xildhibaanka wuxuu tilmaamay in Baaritaankooda uu bilaaban doono wixii maanta ka dambeeya, islamarkaana ay la kulmi doonaan cid kasta oo ku lug leh dhiibistii Qalbi Dhagax loo dhiibay dowladda Ethiopia 6-dii bishan September. 

"Gudigeena wuxuu sameyn doonaa Baarist xoog leh, waxaana la kulmi doonaan dhamaan dadkii kaalinta ku lahaa wareejinta Qalbi Dhagax, hadii ay ahaan laheen Wasiiro ama Saraakiil Ciidan, dhamaantooda waan la xiriiri doonaa, si aan u helno xog dhameystiran, oo Baarlamanka loo gudbiyo," ayuu yiri Xildhibaan Ludhfi.

Waxa kaloo uu sheegay Ludhfi in Gudiga uu wado howlo culus, oo ku saansan inay ogaadaan sababta ay Xukuumadda ugu gacan gelisay Qalbi Dhagax dowlaadda Ethiopia iyo sharciga loo cuskaday dhiibistiisa.

Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa horaantii bishan waxay soo saartey war qoraal ah, kadib shir ay Gollaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho 6-dii bishan, kaasi oo lagu shaaciyay in Qalbi Dhagax uu ahaa Argagaxiye katirsan ONLF, xiriirna la leh Al shabaab.

GAROWEONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM