Somaaliya: Khayre oo ka baaqday safar uu ku tagi lahaa Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalkaas iyadoo la qorshaynayay inuu kulamo rasmi ah la yeesho Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Xasan Cali Khayre, ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’ilsa wasaaraha Soomaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xasan Cali Khayre uu la hadlay dalal dhowr ah si looga qayb qaato masiibadii ka dhacday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah,” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha, waxaana intaas la raaciyay, “Dhowaan waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.”

Baaqashadan ayaa timid xilli maanta magaalada Muqdisho ay soo gaartay diyaarad uu soo diray Madaxweyne Erdogan taasoo siday dhaqaatiir iyo dawooyin ka qayb qaadanaya gurmadka dhaawacyada Muqdisho.

Tirada dhimashada ayaa korodhay, waxaana la xaqiijiyay 237 qof iyadoo 130 kamid ah maydadkooda la aqoonsan waayay.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii Muqdisho ee ka dhacay isgoyska Soobe oo ah goob aad u mashuul badan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM