​Somaaliya: Nin Walaalkiisa ku dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Sarkaal katirsan Booliska dowladda Federaalka Somaaliya, ayaa sheegay in Nin lagu magacaabo Maxamed Abuukar in uu toorey ku dilay walaalkiisa magaalada Muqdisho.

Capt Axmed Cali, oo kamid ah Saraakiish Booliska ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay kadib markii ay murmeen Maxamed Abukar oo 30 jir ah iyo walaalkiisa oo dhanka hooyada ay ka dhasheen.

Dilka waxa uu ka dhacay xaafad ku taalla degmada Boondheere, ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha, oo su'aalo lagu waydiinayo xabsii ku yaalla degmada, waxaana lagu wadaa in lasoo taago Maxkamad madani ah.

Dadka deegaanka ayaa aad uga argagaxay dilka, iyagoo ku tilmaamay mid naxdin leh, oo laga xumaado, waxayna Saraakiisha ugu baaqeen in ninka dilay walaalkiisa ay soo taagaan Cadaaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM