​Somaaliya oo aan bixin Lacagta Xubinimada QM [Dhageyso]

Image

NEW YORK, USA - War kasoo kasoo baxay QM, ayaa lagu sheegay in  Somaaliya aysan bixin mudo 2 sano ah lacagta qaaraanka ee laga rabey, taasi oo gaaraysa $1,354,435 (Hal Milyan, saddex Boqol, Konton iyo Afar Kun, Afar boqol Sodon iyo Shan Doolar).

Warqad ku astaysan Taariikhda 7-da September, 2017, oo kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa lagu sheegay iyadoo la cuskanayo qodobka 19-aad ee Cahdiga Gollaha Guud ee QM in Afar dowladooda oo Somaaliya ku jirto aysan bixin lacagihii qaaraanka 2015-2016.

Gollahu wuxuu sidoo kale sheegay in dal kasta oo aan bixin mudo labo sano ah uu waayi kari karo xaqqii uu u lahaa inuu codeeyo, haddii uusan la imaan cudur daar macquul ah, oo Golaha Sare uu ku qanco.

Somaaliya ayaa safka ugu horeeya ka gashay afar dalka oo lagu leeyahay lacagta Qaaraanka QM. Warqadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ka qeybgalayo Shirka Guud ee QM.

Dhanka kale, Danjiraha Soomaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan (Baalle), oo la hadlay VOA ayaa sheegay inuu arkay waraaqdan, hase ahaatee aanu hubin inay sax tahay iyo inkale.

Danjiraha ayaa sheegay inay jirto in Somaaliya lagu leeyahay lacagihii qaaraanka ahaa ee dal ahaan looga rabay, taas oo aan 15-kii sano ee ugu dambeeyey aan la bixinin.

Lacagta ayaa isku soo gaartay 15-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo sanadba sanadka ka dambeeyay ay codsan jirtay Somaaliya in dib loogu dhigo bixinteeda.

Hoos ka akhri Warqadda QM

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM