Somaliya: Waxqabadka 100 Maalmood ee Xukumadda Ra'isal Wasare Khayre [AKHRI]
MUQDISHU- Isbadel siyaasadeed ayaa ka curtay Soomaaliya 8dii bisha Febaraayo 2017. Ka dib, tartan loo galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa guuleystay Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Doorashada Madaxweynaha waxaa ka horreeyey doorasho dadban ee Xildhibaannada labada aqal. Taas, waxaa daba-joogay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo midda Aqalka Sare. Guddoonka Golaha Shacabka waxaa ku guuleystay Mudane Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari (Guddoomiye), Mudane Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey (Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad) iyo Mudane Mahad Cabdulle Cawad (Guddoomiye Ku-xigeenka labaad). Guddoonka Aqalka Sare, waxaa ku guuleystay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi (Guddoomiye), Mudane Abshir Maxamad Axmed (Guddoomiye ku-xigeenka kowaad).
iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad (Guddoomiye ku-xigeenka labaad). Febaraayo 23-keedii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre, inuu qabto jagada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 1-dii bisha Maarso, Golaha Shacabku waxay siiyeen Mudane Xasan Cali Khayre codka kalsoonida si aqlabiyad weyn leh, in uu qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bishii Maarso 29-keedi, Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu horgeeyey Golaha Shacabka xubnaha
Golaha Wasiirrada magacaaban oo ka kooban 68 xubnood iyo Barnaamijka Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn laheyd, si Golaha Shacabku u siiyo Codka Kalsoonida. Isla fadhigiiba, Golaha Shacabku waxay siiyeen Codka Kalsoonida Golaha Wasiirrada magacaaban si aqlabiyad leh. Golaha Wasiirradu waxay xilalkii kala wareegeen Wasiirraadii hore intii u dhaxeysay 1-dii Abriil illaa 15-kii Abriil 2017, ayagoo isla markiiba guda-galay howlihii loo igmaday ee dastuuriga ahaa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu kula dardaarmay Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Cali Khayre in la dardar-geliyo fulinta Barnaamijka Xukuumadda, si looga mira dhaliyo ballan-qaadyadii loo sameeyey shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqey muhiimadda ay leedahay in la helo wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta dhammaan hay’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda iyo Labada Aqal ee Baarlamanka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xusuusiyey Golaha Wasiirrada culeyska mas’uuliyadda saaran iyo rajada iyo rabitaanka shacabku u muujiyeen dowladda. Asagoo taas ka duulaya, Madaxweyne Farmaajo wuxuu faray Xukuumadda in mudnaanta kowaad la siiyo arrimaha amniga, caddaaladda iyo kobcinta dhaqaalaha, kuwaas oo ka turjumaya baahida shacabka Soomaaliyeed.
HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTAAN OO DHAN
GAROWEONLINE