​Somalia: 11 katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Maxa'ed Is-xaaq Xasan, ayaa sheegay in 11 katirsanaa ururka Al Shabaab lagu dilay dagaal culus, oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud, oo qiyaastii 30Km Waqooyiga uga beegan magaalada Baydhobo.

Taliye Isqaax, ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa ka socdo dalka Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM ay la wareegeen Al Shabaab, markii ay uga adkaadeen dagaalka.

Wuxuu sheegay Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed in dhankooda looga dilay Dagaalka saddex askari, qaar kalena lagu dhaawacay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Baydhobo.

Dadka ku dhaawacmay Dagaalka Goofgaduud, waxaa kamid ah Col Maxa'ed Isxaaq Cara-Casse, oo ah ku xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al shabaab ayaa sidoo kale dhankooda Guulo ka sheegtay Dagaalka Goofgaduud, islamarkaana ay dileen 3 askari, oo uu ku jiro Sarkaal sare oo kamid ah militariga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Deegaanka Goofgaduud, oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa hadda waxa uu gacanta ugu jiraa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliska ciidamada Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay inay sii wadayaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan ee gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM