Somalia: 114 Maxbuus oo lagasoo dajiyay Muqdishu

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- 114 xubnood kamid ah maxaabiistii Soomaalida aheyd ee ku xirneyd xabsiyada dalka Ethiopia ayaa Salaadii Maqrib kahor lagasoo dajiyay garoonka diyaaradaha caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Keenista maxaabiistan ayaa ku yimid hishiis dhawaan ay soo kala saxiixdeen xukuumadaha labada waddan ee Somalia iyo Ethiopia.

Maxaabiistan lasoo daayay waxaa safarkooda ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Max'ed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.

"maxaabiistani waxay ahaayeen qaar kood kuwo lagu xukumayy 20 sano oo xarig ah, siideynttodana waxay muujinaysaa wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dal,” Sidaas waxaa yiri Danjiraha Ethiopia ee dalka Somalia Jamaaludiin Mustafe.

Dhinaca kale Max’ed Cali Nuur oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ayaa sina uga mahadceliayay Dowladda Itoobiya sida ay wanaagsan oo maxaabiistaasi ay u soo deysay, isagoo bogaadiyay xiriirka ka dhexeya labada dal.

Sii deynta maxaabiistan ayaa ku timid wadahadal horraantii bishan Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre uu Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalka Itoobiya.

Waxaa wali ku harsan dalkaasi 6kamid ah maxaabiista la ogolaaaday in ay xorriyaddooda dib u helaan kuwaasoo la sheegay in maalmaha soo socda ay soo gaari doonaan waddanka Somalia.

Majirto tafaasiil dheeraad ah oo laga helayo dadkan iyo sababta markii hore loo xiray, waxaana jira maxaabiis kale oo wali jira xabsiyada waddanka Ethiopia oo xuduud la leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM