​SOMALIA: Ahlu Sunna oo xirtay Radio Galgaduud

Image

GURICEEL, Somalia- Ciidamo taabsan Ahlu Sunna ayaa xirtay Xalay Idaacad lagu magacaabo Radio Galgaduud oo ka howlgala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah Shaqaalaha Radiyowgaas, ayaa GO u xaqiijiyay xiritaanka Idaacadda, oo uu sheegay in Xalay saacadu markii ay ahayd 10:25PM ay soo weerareen Malleeshiyada Ahlu Sunna Waljameeca katirsan.

Wuxuu sheegay in Idaacada Xarunteeda Guriceel la xiray, sidoo kalena laga qaatey FM-ta ay ku shaqeyso iyo qalab kale, isagoo intaasi ku daray inansan garan karin sababta ka dambaysa xiritaanka xaruntooda.

Maamulka Ahlu Sunna wali wax Fahfaahin ah kama uusan bixin sababta ay u xireen Radio Galgaduud, oo ah Idaacad xarumo ku leh Guriceel iyo Dhuusamareeb, lagana dhagaysto qeybo kamid ah Gobolkaasi.

Ahlu Sunna ayaa lagu eedeeyay inay caburiyaan Warbaahinta Madaxabanaan ee ka shaqaysa degmooyinka ay gacanta ku hayaan Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM