​Somalia: Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Dagaalyahanno katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa saaka Dagaal khasaaro geestay kula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo 35KM dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen Goofgaduud, kadib weerar culus oo xalay Saqdii dhexe ku qaadeen saldhigyada ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen gudaha Deegaankaasi.

Inta la ogyahay ilaa 4 Askari oo katirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo Tiro Al shabaab ah, ayaa lagu dilay dagaalka Goofgaduud, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Mallayshiyadan kooxdan, ayaa dib u qabsaday deegaankan markii labaad mudo bil ah.

Xaaladda Deegaanka ayaa degan, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Koonfur Galbeed ay isku abaabulayaan inta u dhaxayso Goofgaduud iyo Baydhabo, iyagoo qorshaynaya dagaal ka dhan ah kooxdaas iyo dib usoo celinta deegaanka Goofgaduud.

Maamulka Koonfur Galbeed wali kama uusan hadlin la wareegista Goofgaduud.

Dagaalyahannada Shabaab, ayaa wali gacanta ku haya deegaano katirsan gobolka Baay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM