Somalia: Al shabaab oo deegaan laga saarey iyo dhalinyaro gacmaha laga jaray

Image

XUDUR, Somalia - Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa kala wareegay Kooxda Al shabaab deegaanka Mooro-gaabey, oo 30KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada Xudur.

Sarkaal ka tirsan SNA, oo lagu magacaabo Xasan Baydhobo, ayaa xaiijiyay in ciidamada ay dagaal la'aan ku qabsadeen deegaanka, kadib markii dagaalyahanada Al shabaab isaga carareen goobtaas habeenkii xalay. 

Wuxuu sheegay Sarkaalkaan in ay sii wadayaan howlgallada Al shabaab  looga sifaynayo deegaanada wali ku jira gacantooda, ee ku yaalla gobolka Bakool, oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. 

Dhanka kale, Kooxda Al shabaab ayaa gacmaha ka jaray labo dhalinyaro ah, oo ay ku eedeeysay inay fal xatooyo ah ka geesteen deegaan ku dhaw degmada Kunturwarey, ee gobolka Shabeellaha hoose. 

Fagaare ku yaalla deegaanka Dhega-Borow, ayaa gacanta midig looga gooyay Labada dhalinyarada ah, oo lagu kala magacaabo Cabdulqaadir Madeey Roobow, oo 20  jir ah iyo Maadeey Eenow Aadan oo 23 jir ah. 

Boqolaal qof, oo haween iyo caruur ay ku jireen ayaa lagu khasbey inay daawadaan xukunka gacan-goynta ah, ee lagu sameeyay Labada nin, oo lagu eedeeyay inay Dukaan ka xadeen lacag dhan $250. 

Al shabaab ayaa xukuno adag oo Dil qoor goyn ah ay kamid tahay ku fuliya dadka ay ku eedeeyaan xatooyo iyo basaasnimada deegaanada ay maamusho ee ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM