​Somalia: Al Shabaab oo dib looga qabsaday Goof-gadood

Image

BAYDHABO, Somalia- Mallayshiyaadka Al Shabaab, ayaa ka baxay deegaanka Goof-gaduud oo kaabiga ku haya magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay islamarkaana u jira qiyaastii 30KM, kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamo maamulkaas oo garabsanaya kuwo katirsan AMISOM oo kasocda waddanka Ethiopia.

Al Shabaab, ayaa deegaas saaka waabarigii dagaal khasaaro dhaliyay kula wareegtay iyagoo gacanta ku hayay muddo kooban.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay isku dhaca labada dhinac, waxayna xaqiijiyeen dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca 10 kale wadar ahaan.

Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyay in dhinacooda ka dhinteen 4 askari, halka Al Shabaab uu sheegay in laga dilay 8 mintid.

Xasan, ayaa xusay in mallayshiyadaas muddo kooban gacanta ku hayeen Goof-gaduud, balse markii dambe laga saaray.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada gaarka ah ee Booliiska Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Carra-cas, ayaa tilmaamay inay ka go'antahay sidii mallayshiyada Shabaab waddanka looga difaaci lahaa.

Al Shabaab, ayaa dagaalkaas iyaguna ka hadlay, waxayna sheegteen dilka 7 kamid ciidamada Koonfur Galbeed iyagoo beeniyay in dagaal kale looga qabsaday Goof-gaduud Shabeellow, waxayna weerarkaas ku tilmaameen mid u sahlaya inay ku dhawaadaan magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah xukuumadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib qoraal ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ee taageera.

Dagalladan, ayaa yimid xilli maamulka Koonfur Galbeed uu waday qorshe ka dhan ah ururka Al Shabaab kaasoo looga saarayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Xaaladda Goof-gaduud, ayaa iminka dagan, in kastoo dadkii ku dhaqnaa cabsi ka qabaan dagaal mar kale dhaca, waxaana si toos ah gacanta ugu haya ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya AMISOM-ta kasocota waddanka Ethiopia.

GAROWEONLIE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM