Somalia: ​Al Shabaab oo Gacanta ka gooysay wiil dhalinyaro ah

Image

GALHAREERI, Somalia - Al Shabaab-ta  ku sugan degmada Galhareeri, ee gobolka Galgaduud ayaa xukun gacan goyn ah ku fuliyay wiil dhalinyaro ah, oo ay ku eedeeyeen fal xatooyo ah.

Xukunka oo ay riday Maxkamad u gaar ah Al Shabaab, ayaa waxaa lagu fuliyay Maxamed Cilmi Jaamac oo 27-sano jir ah, oo lagu eedeeyay inuu Goob Ganacsi ka xaday lacag $319.

Maxa'ed, ayaa gacanta looga gooyay shalay gelinkii dambe meel fagaare ah oo ku taalla degmada Galhareeri, ee gobolka Galgaduud, iyadoo ay goobjoog yihiin dadweyne badan.

Mid kamid ah dadkaasi daawaday Xukunka gacant goynta ah, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha GO u sheegay in Al Shabaab ay Wiilka dhalinyarada ah ay ka jareen gacanta qaybta hore.

Ma jiraan Maxkamado madaxbannaan, iyo qareeno u dooda dadka ay Al Shabaab ku fuliyaan xukunada gacanta goynta iyo Dilalka isagu jiro, oo ay ka gaystaan Koonfurta Somalia.

Al shabaab ayaa xukunada noocan ah waxay ugu talo galeen inay ku cabsi geliyaan dadka ku nool deegaanada ay maamulaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM