​Somalia: Al shabaab oo markale la wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Al shabaab ayaa xalay markii labaad mudo Todobaad ah dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo qiyaastii  30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhobo, ee xarunta gobolka Baay.

Sarkaal katirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Maxa'ed ayaa GO u sheegay in sababta uga soo baxeen ciidanka Goofgaduud ay tahay Mushaar la’aan.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia ee isaga soo baxay Goofgaduud ay fariisamo ka samaystey deegaan ku dhaw Baydhobo.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Labo jeer tobaadkan gudahiisa kasoo baxay Goofgaduud, iyo deegaano kale oo ka baxeen Ciidanka Ethiopia ee aan ka qeybta ka ahayn AMISOM.

Al shabaab ayaa markii ay qabsadeen Goofgaduud ku wargeliyay dadka deegaanka in ay dili doonaan cid kastoo la shaqeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM