​Somalia: Al Shabaab oo u hanjabay Ganacsatada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ururka Al Shabaab ayaa soo rogay khidad cusub oo dakhli kaga helayaan ganacsatada Somaliyeed, waxayna amarro dul dhigeen Beec-mushtarka kala duwan ee ku sugan caasumadda Somalia.

Sida lagasoo xigtay qaar kamid ah Ganacsatadaas oo magacooda u qariyay sababo amni, Ururka Al Shabaab ayaa ugu yeeray inay tagaan deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

U yeeritaankaas ayaa ku saabsan in looga dhaadhiciyo lacagaha laga qaadayo iyo sababta looga qaadayo intaba.

Inkastoo ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan inay ajiibeen dalabkooda, hadana waxay muujiyeen walaac ku aadan xaaladda lasoo daristay.

Balse, waxay xuseen inay jiraan ganacsato badan oo laga qaaday lacago tiro badan.

Lacagahan oo kumanaan kun kor u dhaafaya, ayaa loogu yeeray Zakawaat, waxaana ururkaasi ku goodiyay inay cawaaqib xumo dhaxli doonaan ciddi ka dhaga adaygta, sida Ganacsatadu sheegeen.

Waxay intaas ku dareen in ololahan ay Al-Shabaab bilwoday bil ka hor, haatanna ay jiraan lacago badan oo ay ku ururiyeen dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba.

Ganacsatada ayaa ku waramaya in Al-Shabab ay ka ururiyeen kuwooda dakhliga yar 100 dollar ayna gaadhsiinsan tahay kumaannaan kun oo doollar.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin, oo waraysi siiyay VOA-da ayaa ugu baaqay dadweynaha inaysan u dhaga nuglaan handadaada iyo amarrada uga imaanay koox ku dhuumaalaysanaysa Baadiyaha.

Isagoo sii hadlaya, Maalin ayaa hadalkiisa ku daray inay Saldhigyo ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha islamarkaana shacabku ku shaqaystaan Kalsooni.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli kooxdan dhawaan ay soo rogtay amar kale oo saamayn ku yeeshay Maamulayaasha goobaha Waxbarashada kadib markii ay ka digeen in carruurta la geeyo iskuulaadka dowladda oo ay ku eedeeyeen in dhallaanka ay barayaan dhaqanka reer Galbeedka.

Dowladda ayaase eedayntaas waxba kama jiraan ku tilmaamtay iyagoo Al shabaab ku dhaliilay inay raadinayaa fursad carruurta lagu baro Af-kaarta Xag-jiriinta.

Dhawaan ayaa ururkaas u yeeray dhowr maamule oo markii dambe lagu xiray Jowhar, iyagoo kala hadlay arrinta ku saabsan waxbarashada.

Tallaabooyinka oo culays kusoo kordhiyay shacabka ayaa yimid xilli dowladda Somalia wado qorshayaal dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab.

Arrintaas ayaa keentay in Shabaab culays kusoo rogto shacabka, waxaana dadka la socda arrimaha amniga odorosayaan inay tahay tishkiilad cusub oo ku raadinayso taageero iyo baqdin galin shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM