Amaro la dul dhigay Safiirada Somalia u fadhiya Dibadda [Akhri]

Image

MUQDISHU, Somalia - Dhamaan Safiirada, Ergooyinkja joogtada iyo Qunsullada Somalia u fadhiya dibadda inaysan la hadli karin Warbaahinta, iyagoo ogolaansho ka haysan xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda, islamarkaana uu ku saxiixan yahay Cali Maxamed Cali, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, ayaa lagu shaaciyay amarkan cusub.

Qoraalkan oo Nuqul kamid ah uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa lagu sheegay in dadka Darajadooda ka hooseyso Danjire, Ergay joogto ama Qunsul aysan la hadli karin nooc kasta oo Warbaahin ah, gudaha iyo Dibadda intaba.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibadda uu bishii lasoo dhaafay Warqad uu u qoray Safiirka Mareykanka u fadhiga Somalia, Stephen Schwartz, taasi oo dowladda Somalia uga codsatay Mareykanka taageero Military.

Yuusuf Garaad ayaa Qoraalka uu diray Mareykanka ku sheegay in Al shabaab ay dhul badan oo qani ku ah Macdanta Yuraanuyaamka kala wareegtay Galmudug, islamarkaana ay u dhoofinayso dalka Iran.

Axmed Ciise Cawad, oo ah Safiirka Somalia u fadhiya Mareykanka ayaa xaqijiyay qoraalkaasi uu soo saarey Yuusuf Garaad inuu yahay mis sax ah, oo dowladda Federaalka taageero military ku waydiisatay Mareykanka.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa qoraalkan uu soo saarey kala kulmay canaan xooggan, xilli uu Ra'iisul Wasaare Khayre uu ka mamnuucay Wasiiradiisa inay ka hadlaan arrimaha xasaasiga ah iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiskiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM