Somalia: ​AMISOM oo ka guurtay Saldhig ku yaalla Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka oo Talaado ah ka guurey Saldhigooda Jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdishu, oo ay deganaayeen 10 Sano.

Ciidamadan oo kasocday waddanka Burundi ayaa deganaa Xarunta, kuwaasi oo hadda loo raray magaalada Jowhar, ee saldhig u ah gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu Warsidaha Garowe Online u xiijiyay Sarkaal katirsan Booliska Somalia.

Goobta ay ka guureen Ciidamada AMISOM waxaa lagu wadaa in la dejiyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala wareegaya mas’uuliyada amaanka Ciidanka Burundi.

Dowladda Federaalka Somalia, ayaa wada qorshe cusub, oo Ciidmada AMISOM loog saarayo Xarumaha danta guud, kuwaasi ay kamid yihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdishu.

Xukuumadda Farmaajo ayaa goor sii horaysay iclaamisay inay la imaan doonto qorshe looga maarmayo AMISOM iyadoo doonaysan in amniga waddanka gacanta loo galiyo Milatariga dalka.

Waxay qabsatay muddo labo sano in dalka looga saaro Al Shabaab islamarkaana laga maarmo ku tiirsanaanta ciidamada AMISOM ee ka socday Midowga Africa.

Tallaabadan ayaa lagusoo beegay xilli Caasimadda Muqdishu amnigeedu maalmahan aad u wanaagsanaa iyadoo uu socdo qorshaha xasilinta oo sidoo kale hubka looga dhigayo shacabka.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay taliska AMISOM kaasoo ku saabsan sida ay u arkaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM