Somalia: Ammaanka Kismayo oo aad loo adkeeyay

Image

KISMAYO, Somalia- Laamaha Ammaanka magaalada Kismayo ayaa ku jira feejignaan xoog leh, waxaana heegan la galiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Booliiska, iyagoo saaka baaritaan kawada qaybo kamid ah xarunta gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in waddooyinka soo gala Madaxtooyada la geeyay ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo baaritaan kuwada baabuurta iyo dadweynaha aagaas is-ticmaala.

Xogo aan la xaqiijin karin ayaa sidoo kale tibaaxaya in ganacsiga yar-yar ee Madaxtooyada ka agdhow ay yihiin kuwo Xiran, sababo amni darteed.

Wararku waxay sheegayaan in arrintan la xariirto wafdi heer Federaal ah oo maanta la filayo inay booqdaan xarunta maamulka Jubbaland, si ay ugu yeeshaan kulan looga hadlayo xaaladda waddanka Somalia iyo wax-qabadka xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Somalia, ayaa kusii socda magaalada Kismayo, kadib markii lagu war-galiyay in shirkooda Khamiislaha ah ee Asbuucan lagu qaban doono magaalada Kismayo.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Ra'isal wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golahiisa Wasiirrada saaka kadhoofi doonaan caasumadda waddanka ee Muqdishu.

Waa markii ugu horaysay meel kabaxsan Xamar lagu qabto shirka wasiiradda dalka oo si joogto ah ugu howl gala Muqdishu.

Madaxweynaha Jubaland ayaa goobo Fagaare ah uga sheegey in dowlada federaalka Muqdishu ku eg tahay isagoo markaas durayey ku masquulsanaanta madax Somalida Villa Somalia.

Lama oga sababta keentay in shirkooda todobaadkan loo geeyo Kismayo oo kamid ah magaalooyinka Waaweyn ee dalka.

Goor sii horaysay dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa ku dhawaaqday inay ballaarin doonto xafiisyada xukuumaddu ku leedahay magaalooyinka dalka, waxaana Kismayo ka socda qorshe dhismayaal uga samaysanayaan Wasaaradaha qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM