​Somalia: Askari lagu diley Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Askari katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka Somalia, ayaa saaka oo Khamiis ah lagu diley magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Labo nin oo bastoolado ku hubaysan ay ku dileen Askarigan oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Toosow xaafadda Dabakaayo Madow, ee degmada Dharkeenley.

Dableyda ayaa sidoo kale qaatey Qoriga Askariga, kahor inta aysan baxsan.

Ciidamo ammaanka dowladda Somalia, iyo Saraakiil katirsan maamulka degmada, ayaa  gaarey goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga, sida uu noo sheegay Goobjoogaha.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilka Askariga, oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, oo ku caan baxdey dilalka noocan ee ka dhaca Muqdishu.

Dilalka iyo Qaraxyada Al shabaab, ayaa hoos u dhacay bishan, waxaana taasi ka dambaysay markii dowladda qaadey howlgalka xasilinta Caasumadda, oo si aad ah uga socda guud ahaan magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM