​Somalia: Axsaab ka horyimid go'aamadii madasha [Akhriso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen mas'uuliyiinta ku midoobay madasha isbahaysiga xisbiyada siyaasadeed ee Somalia islamarkaana ah murashaxiin u taagan hogaanka dalka ayaa maanta ka horyimid go'aamadii kasoo baxay madasha wadatashiga hogaamiyaasha dalka.

Qoraal si wadajir ah mas'uuliyiintu usoo saareen waxay uga soo horjeesteen qodobo kamid ah war-murtiyeedka shirkaasi isagoo caddeeyay in la baal maray dastuurka dalka iyo hishiisyadii horay loo galay.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu naqdiyay mudada xileedka loo kordhiyay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud, waxayna codsadeen inuu xafiiska banneeyo waqtiga rasmiga ah ee xilku uga egyahay.

Hoos ka Akhriso go'aamada ay soo saareen isbahaysiga xisbiyada siyaasadeed ee dalka Somalia

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM