Somalia: Beesha caalamka oo ka digtay in waqti laga lumiyo doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Qoraal si wadajir ah uga baxay waddamada taageera Somalia, ayaa looga hadlay doorashada laga wal-walsanyahay ee la qorsheeyay inay ka dhacdo dalka Somalia dabayaaqada sannadkan 2016.

War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia (UNSOM), oo la sheegay inay si wadajir ah u soo saareen UN-ka, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin eedaha sii soconaya ee la xiriira musuq maasuqa ka dhex jira nidaamka doorashada dalka iyo xogaha ku saabsan cabsi galin soo noqnoqnaysa oo loo gaysanayo musharraxiinta Baarlamaanka, odayaasha xubnaha soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka.

Beesha caalamka, ayaa sheegtay inay ka xunyihiin dib u dhaca ku yimid soo xulista Aqalka hoose ee Barlamanka oo qorshuhu ahaa inay bilaabato 23-kii October, 2016.

Qoraalkan ayaa sidoo kale loogu digay dhinacyada doorashadu khusayso iyagoo lagu war-galiyay inay qaadan doonaan mas'uuliyadda hadii aysan ka qayb qaadan de-dejinta howlaha doorashooyinka Somalia.

Beeshu, waxay si adag kaga dalbatay dhammaan dhinacyada ku lugta leh hannaankana  inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu dhawrayo kalsoonida lagu qabo hanaanka doorashada ee waddanka, kaasoo meesha ka  saaraya inay fursad helaan qolyaha qas wadayaasha ah ee ku foogan inay faro galiyaan doorashada dalka Somalia.

Digniin xoog leh, ayaa qoraalkaas loogu diray madaxda maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashada ee heer maamul goboleed, iyadoo beesha caalamku xustay inay mas'uul ka noqon doonaan dib u dhaca doorashada hadii aysan ka qayb qaadan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada iyo xalinta khilaafaadka beelaha.

Waddamadan, ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay inaysan jirin waqti la lumiyo, maadama fursado badan horay loo lumiyay.

Warbixinta, ayaa lagusoo beegay iyadoo dib u dhacyo badan lagu sameeyay jadwalkii doorashada ee horay loogu hishiiyay, taasoo faragalin siyaasadeed ku hayaan xubnaha hadda xafiiska jooga ee ka tirsanaa dowladda waqtigeedu dhammaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM