Somalia: Beesha Caalamka oo soo dhawaysay Doorashada Waare

Image

MUQDISHO, Somalia - Saaxiibada Somaaliya, ee Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay Doorashada Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen QM, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka ayaa loogu hambalyeeyay Waare Guushiisa uu ka gaarey doorashadii shalay.

Waxay sheegeen inay doorashadii Shalay ka dhacday magaalada Jowhar ay u dhacday hab wanaagsan oo Cadaalad ah, islamarkaana waafaqsan Dastuurka maamulka HirShabeelle iyo rabitaanka shacabka.

Waxaa loogu baaqay dhinacyada kale ee kasoo horjeeda HirShabeelle inay xushmeeyaan natiijada Doorashada, sidoo kalena ay ka fogaadaan ficillada wax u dhimaya hanaanka dowlad-dhisida Somalia.

Madaxweynaha cusub ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, waa Siyaasi kasoo shaqeeyay Wasaaradda Beeraha xilligii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkii kadib uu lasoo shaqeeyay Hay'adaha ICRC, FAO, UNDP iyo Laanqeyrta Cas.

Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Madaxweynaha cusub, waxaa ugu waaweyn dib u heshiisiinta Beelaha degga Labada gobolka ee maamulkaasi ka kooban yahay ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo maamulka cusub ee looga dhisayo Beledweyne ee HiirlaanLand.

GAROWONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM