Somalia: Boqolaal ka barakcday gobalka Bay

Image

Boqolaal qoys oo ka soo barakacay jiidaha colaadu ka jirto ee gobolka Bay ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qoysaskan ayaa intooda badan ka soo qaxay degmada Diinsoor iyo tuulooyinka hoos yimaada kadib markii ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ay qaadeen howgal miltari oo ka dhan ah kooxda islaamiga ah ee Alshabaab oo gacanta ku haysa magaalada Diinsoor.

Gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashiid Cali Maxamed ayaa sheegay in ay filayaan in qoysas intaa ka badan ay saacadaha iyo maalmaha soo socda filayaan in ay soo gaaran Baydhabo, wuxuuna ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.

Kol hore, Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa sheegay in ay bilaabeen weerar cusub oo ay ku qaadayaan Alshabaab.

Waxay sheegeen in Alshabaab laga bixinayo degmooyinka ay haystaan ee Gedo iyo Bay, si loo helo jid ammaan ah oo gargaarka la marsiiyo.

Xigasho: BBC

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM