​Somalia: Ciidamada Ethiopia oo Al shabaab ka saarey Leego

Image

LEEGO, Somalia - Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM ayaa xalay gudaha u galay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose, oo maalin kahor ay la wareegtay kooxda Al shabaab.

Saraakiisha gobolka ayaa xaqiijiyay in Al shabaab laga saarey deegaanka, islamarkaana hadda uu kusoo laabtey gacanta dowladda Somalia, islamarkaana ay ka howlgalayaan ciidamada qaranka iyo AMISOM.

Ciidamada Ethiopia ee la wareegay Leego waxay ka yimaadeen dhanka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay, oo Jimcihii ay kasoo ruqaan-sadeen, iyagoo wata hub iyo 40 xabo oo gaadiid dagaalka ah. 

Deegaanka Leego Al shabaab waxay la wareegtay markii ay Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM ay soo faarujiyeen Jimcihii, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambaysa dib u gurashadooda.

Ku dhawaad 70 Askari oo u dhashay dalka Burundi ayaa lagu dilay, qaar kale oo badan waa lagu dhaawacay weerar xooggan oo Al shabaab ku qaadey saldhigooda Leego 26-kii June, 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM