Somalia: Ciidamada Galmudug oo heegan sare la geliyay

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa heegan sare geliyay ciidamada amniga maamulkiisa, si looga gortago weeraro Al shabaab xilliga Caleema-saarkiisa.

Isagoo ka hadlayay magaalada Cadaado, oo uu shalay ku laabtay, ayaa Madaxweyne Xaaf wuxuu ugu baaqay ciidanka inay ka feejignaadaan shirqoollada ay maleegayso Kooxda Al shabaab Bisha Ramadaan.

Xaaf ayaa ka codsaday Shacabka ku nool deegaanada Galmudug inay la shaqeeyaan Laamaha amniga, islamarkaana ay kusoo wargeliyeen waxyaabaha ay ka shakiyaan ee lagu qalgelinayo xasiloonida, si looga hortago.

"Marti badan ayaa noo imaanaysa, waxaan ku baaqayaa in Nabad-gelyada laga shaqeeyo, oo Ciidanka lala shaqeeyo, islamarkaana dhamaanteena feejignaano," ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xaaf oo la doortay 3-da bishan, ayaa la filayaa in la caleema-saaro Maalinta Isniinta ee soo socota, oo ku beegaan Taariikhda 29-ka May, waxaana lagu wadaa inuu Xaflada ka qeybgalo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM