​Somalia: Ciidamo Ajbani ah oo Howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

Image

KISMAYO, Somalia - Ciidamo Ajbani ah oo loo malaynayo inay kamid yihiin militariga Mareykanka, ayaa Howlgal ka fuliyay xalay deegaan ay maamulaan kooxda Al Shabaab oo ku yaallo gobolka Jubbada Hoose.

Wararka aan ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo wata diyaarado dagaalka tageen deegaan lagu magacaabo Kanjaroon, oo hoostaga Beerxaani.

Deegaanka Kanjaroon wuxuu 45KM dhanka Galbeed uga beeganyahay magaalada Kismaayo.

Dagaal mudo qaatay ayaa ka dhacay halkaasi, waxaana xigtay Duqeyn cirka ah, oo diyaarado ay leeyihiin ciidamada Ajbaniga ah u geesteen saldhigyo Al Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan deegaankaas ayaa sheegaya in hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab lagu qabtay howlgalka, sidoo kalena ay jiraan khasaarooyin kale oo soo gaarey dagaalyahanada Kooxda Al shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ku dhawaad 5 dagaalyahan oo Al Shabaab kamid ah lagu dilay Duqeynta Cirka ah ee ka dhacday duleedka Kismaayo.

Ciidamada Mareykanka ayaa Billooyinkii danbe kordhiyay weerarada qorsheysan ee ay ku bartilmaameedsanayaan saldhigyada Al shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

Kooxda Al shabaab wali kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha la sheegay inuu soo gaarey dagaalyahanadeeda ku sugan Kanjaroon.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM