​Somalia: Ciidamo baaray xaafado ku yaalla Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, ayaa howlgallo lagu xaiijinayo amniga ka sameeyay qeybo katirsan magaalada Muqdishu, kadib markii ay soo kordheen Dilalka qorsheysan.

Mas'uuliyiyiinta Hay'adaha amniga gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay ciidanka Booliska ay howlgal baaritaano ah ka sameeyeen xalay xaafado kamid ah degmada Wadajir oo Shalay Nabadoon lagu dilay.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay in ka badan 20 Qof, oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo lagu xiray saldhiga Booliska Wadajir, si baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Howgalkaas, waxaa lagu baarey guryo looga shakiyay inay ku dhuumaalaysanayaan rag katirsan Kooxda Al shabaab oo inta badan qaabilsan qur-gooyada dadka hal-doorka ah.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Degmada Wadajir, ayaa sheegay inay hayaan xogo la xiriira in xubno kamid ah xarakada Shabaab oo dhanka Dilalka qaabilsan ay ku sugan yihiin aagooda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shalay Galab Labo Dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bastoolado ay Xaafadda Xaawo-Taako ku dileen Oday dhaqameed lagu magacaabi jirey Hilowle Xeefow.

Labada qof ee dilka Odayga geestay ayaa la qabtay, waxaana lagu wareejiyay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA).

Baaritaanada ma ahan kuwo ku cusub Muqdishu, balse sida loo bartay ma badalaan falalka amni darro ee caasumadda Somalia ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM