​Somalia: Ciidamo baaray xaafado ku yaalla Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada dowladda Federaalka Somalia, ayaa howlgallo lagu xaiijinayo amniga ka sameeyay qeybo katirsan magaalada Muqdishu, kadib markii ay soo kordheen Dilalka qorsheysan.

Mas'uuliyiyiinta Hay'adaha amniga gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay ciidanka Booliska ay howlgal baaritaano ah ka sameeyeen xalay xaafado kamid ah degmada Wadajir oo Shalay Nabadoon lagu dilay.

Dadka Deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay in ka badan 20 Qof, oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo lagu xiray saldhiga Booliska Wadajir, si baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo.

Howgalkaas, waxaa lagu baarey guryo looga shakiyay inay ku dhuumaalaysanayaan rag katirsan Kooxda Al shabaab oo inta badan qaabilsan qur-gooyada dadka hal-doorka ah.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Degmada Wadajir, ayaa sheegay inay hayaan xogo la xiriira in xubno kamid ah xarakada Shabaab oo dhanka Dilalka qaabilsan ay ku sugan yihiin aagooda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Shalay Galab Labo Dhalinyaro ah oo ku hubaysan Bastoolado ay Xaafadda Xaawo-Taako ku dileen Oday dhaqameed lagu magacaabi jirey Hilowle Xeefow.

Labada qof ee dilka Odayga geestay ayaa la qabtay, waxaana lagu wareejiyay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA).

Baaritaanada ma ahan kuwo ku cusub Muqdishu, balse sida loo bartay ma badalaan falalka amni darro ee caasumadda Somalia ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM