Somalia: Ciidamo howlgal ka bilaabay gobolka Mudug

Image

XARARDHEER, Somalia- Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan dhinac ay maamusho Galmudug, halkaasoo ilaa shalay lagusoo daad gureeyay ciidamo tiro badan.

Hawlgalkan oo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa ka socda deegaanka Ceel-cabdi oo u dhexeeya magaalooyinka Camaara iyo Xarardheere ee gobolka Mudug.

Qorshahan ciidan ayaa ujeedkiisu yahay in deegaanadaasi laga saaryo mallayshiyaad katirsan Al Shabaab oo muddoo maamulayay qaybo kamid ah Mudug.

Majirto wax dagaal ah oo ilaa imminka dhex-maray labada dhinac, balse qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha GO, ayaa sheegay in miinooyin badan lagu xiray waddooyinka soo gala magaalooyinkaas taasoo iminka ay ku howllanyihiin ciidamada difaaca Somalia.

Dhinaca kale, waxaa jira diyaarado dagaal oo howlgalkaas qayb ka ah kuwaas oo ilaa xalay ciidamada kusoo daabulayay agaas iyadoo ilaa hadda aan la aqoon cidda iska leh.

Balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qorshahan hormuud ka yahay Maraykanku taasoo ka dhan ah ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa dhankiisa dhaq-dhaqaaqyo kawada degmada Xarardheere taasoo ay ku doodanayaa inay isaga caabiyaan howlgalkan milatery.

Saraakiil katirsan Galmudug oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan qorshahan dagaal ee ka soo kordhay dhinaca Galmudug.

Sannadkii hore, ayay ahayd markii duqayn ka dhacday gobolka Mudug uu fuliyay Maraykanku muran badan dhaliyay markii Galmudug sheegtay in ciidamadeeda la weeraray kuwaas oo loo malaynayay Mallayshiyaad isku aruursaday nawaaxiga Galkacyo.

Balse Xukuumadda Washington ayaa markii dambe Raali galin ka bixisaday arrintaas.

Dhawr jeer oo hore ayaa shacabka gobolka iyo Al Shbaab ayaa dagaallo ku dhex mareen Mudug kadib markii bulshada halkaas ku nool ka biyo diideen amarro uga yimid kooxda Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM