Somalia: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lala beegsaday

Image

AFGOOYE, Somalia - Qarax Miino ayaa waxaa duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay Kolonyo gadiid military, oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in uu Qaraxa ka dhacay inta u dhaxeyso Deegaanada Arbacow iyo Ceelasha Biyaha.

Mid kamid ah baabuurta AMISOM ee Qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay inuu goobta ku gubtay.

Ciidamada AMISOM ayaa wararka sheegayan in qaraxa kadib rasaas xoogan fureen lama soo sheegin khasaaraha ay gaysteen.

Waxaa aad mashquul u ahaa wadada lagula beegsaday qaraxaan madaama magaalda Muqdishu kontroladeeda xirnaayeen maalmihii lasoo dhaafey.

Dhanka kale, dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka qarxay deegaanka Muuri, oo ku dhaw degmada Afgooye.

Qaraxaan ayaa imaanaya maalin kadib markii uu dhamadey shirkii wadamada urur goboleedka IGAD kulan yesheen magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM