Somalia: Dagaal dib uga qarxay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Dagaal xooggan ayaa dib uga qarxay saaka deegaanka Baar, ee duleedka magaalada Beledweyne, halkaasi oo shalay si arxan darro ah loogu dilay afar qof oo shacab ah.

Dagaalka socda, ayaa salka ku haya Anooyin Qabiil , waxaana  Dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan iyo AK-47, sida ay dadka deegaan u sheegeen GO.

Shalay degaanka Baar, oo 45KM dhanka Galbeed uga beegan waxaa lagu dilay labo hooyo iyo sidoo kale labo Gabdhood ay dhaleen, iyadoo dilkooda uu u kenay dagaal inuu ka dhex-qarxo labada beellood.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ka socda duleedka Magaalada Baledweyne waxaa ku dhintay hadda labo ruux.

Maamulka Hiiraan, Odayaal iyo Waxgaradka ayaa waxay waddaan dedaallo lagu joojinayo colaadda sokeeye, ee ka socoto Tuulada, kaasi oo lagu daadinayo dhiigga shacabka abaarta ku dhufatay.

Gobolka Hiiraan ayaa ka dhaca inta badan dagaal Beeleedyo khasaarooyin sababa, kuwaasi oo salka ku haya aanooyinka qabiilka, muran ka dhasha, Ceelasha Biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Fahfaahinta Dagaalka, kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM