Somalia: Dagaal ka dhacay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Somalia- Dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed, ayaa ka dhacay deegaano ku yaalla duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka oo salka ku haya dhul-daaqsimeed iyo Ceelal Biyaha laga cabo, ayaa ka qarxay Tuulada Jameeca Misre, waxaana ku dhimatay afar qof oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in guryo badan oo ku yaallay tuulada dab la qabadsiiyay xalay, islamarkaana laga baraciyay boqolaal qoys oo hadda u cararay dhanka deegaanada nabada ah ee ku yaalla gobolka.

Odayaasha labada beelood ee dirirta u dhaxayso ayaa wada dedaallo lagu joojinayo dagaalka sokeeye, waxaana ay ku baxeen goobaha ay xabaddu ka socoto.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha maamulka Shabeellaha dhexe, oo ku aadan dagaal beeleedka dib uga qarxay duleedka degmada Balcad, oo 30KM dhanka waooyi uga beegan Muqdishu.

Inta badan dagaallada noocaan ah ayaa ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxayna salka ku hayaan muran ka dhashay daaqsin iyo ceel biyood

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM